Nala xiriir:
Warcusub@gmail.com Facebuuga nagula saaxiib. Nagu raadi Warcusub War cusub. Tlf: 409 50 100

New video: Waraysi lala yeeshay maamulka iyo macaamiisha Xawilaada Amaana. Tlf: 22170917 93241297. Daaw video

Masawiro cusub: 25 wadan + 60 caruur oo Soomaali ku jirto oo iskugu yimid Larvik Norway. Daawo 55 masawir
Sawiro+Videos

Video - Norsk+somalisk: Waraysi lala yeeshay Xildhibaan Baashi iyo Jan Bøler. Daawo

New Video: Siyaasiin ka soo jeeda Soomalida Norway oo dawlada Norway ku cadaadiyay inay si toos ah ula shaqayso Dawlada Somalia. Daawo
New Video: Exclusive! Waraysi Warcusub la yeeshay wasiirada cadaalada Norway. Daawo/Norsk
Video: Qudbadii Jawaari iyo wasiirka Norway. Daawo
Video: Furitaanka Masaajidka Soomaalida Norway. Daawo
Video: Dadwaynihii ka soo qayb galay xaflada sanadguuradii 1aad ee Khatumo State ee lagu qabtay Oslo. Daawo

Madaxwaynaha Soomaaliya, Wasiirka Horumarinta Norway iyo Somalida Norway. Akhri oo daawo video iyo masawirada

Video: Telephone Conversation between Norwegian Minister for Development and Somali President. First part, in Somali. Last part in English
Masawiro cusub: Xaflad loogu dabaaldegayo sanadguuradii 1aad ee Khaatumo State oo ka dhacday Norway. Daawo
Masawiro cusub: Macaamiisha iyo cuntada maqaayada Salaama ee Oslo Norway. Daawo
Masawiro: Ururka Soeeg oo isku keenay Somalida Daramen Norway. Daawo
Masawiro: Aqoonyahano Norway ku soo bandhigay Dastuurka Somalia.
Masawiro cusub: Kulankii Soomaalida Norway ku soo dhaweeyeen madaxwaynaha Soomaaliya. Riix/Daawo
Masawiro: Ilmaha Safiyo iyo gurigeeda. Daawo
Xaalada Kismaayo Oo Maanta Weli Cakiran

Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa waxa la sheegayaa maanta in xaaladeeda tahay mid kacsan kadib markii xalay dhufeyso kala galeen ciidamada Dawlada iyo kuwa Raaskambooni jufo jufana la iskaga hor yimid.

Xiisadaan ayaa ka dambeysay markii wafdi waxgarad iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Jubbooyinka shalay lagu jir dilay gudaha garoonka diyaaradaha Kismaayo lana xanibay ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaad kala taabacsan siyaasiyiintaasi ay dabaqyada Bartamaha Kismaayo hub la koreen taasi oo lagu sigtay in xalay dagaal uu dhaco.

Cabsida ayaa ah mid mar walbo dagaal la filan karo maadaama ay xiisada wali taagan tahay waxaana jirin isku socod ka jira magaaladaasi saaka sida ilo lagu kalsoon yahay inoo xaqiijiyeen.

Xogta laga helayo Kismaayo waa yar tahay sabab la sheegay inay jirto isgaarsiintii Mobilka oo hawada ka maqan hayeeshee qaarkood dadka ayaa ku waramaya in jawiga hadii uu sidaan kusii socda ay xaaladu noqon karto mid aad ucakiran.

Nabadoon Hilowle Macalin Yacquub oo la hadlay warbaahinta isagoo Kismaayo kus ugan ayaa waxa uu sheegay inay xaalad adag ay maanta ka jirto Kismaayo kuna eedeeyey in Kenyaanka ku sugan magaaladaasi ay ka dambeeyaan xiisada hadda jirta.

Waxa uu ku baaqay in laga hortago wax walbo oo keeni kara dagaal si gaar ah Nabadoonku waxa uu IGAD ku eedeeyey inay dabka la shiday ee Kismaayo ka jira ay mas’uul ka tahay kana digay in dagaalo dad badan ku dhintaan ay ka dhacaan Kismaayo.

Hadii hore Kismaayo Maamul usameynta Jubbaland la isku heysashadu ahayd hadda waxay usoo wareegtay is qab qabsi udhaxeeya waxgaradka iyo xubnaha maamul usameynta JUBBALAND ku mashquulsan taasi oo la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto xiisada wali laga dareemayo Kismaayo.

Wali maanta isgaarsiintii Mobilada gacanta Hawada ayey ka maqan tahay waxaana badi dadku ay muujinayaan cabsi laga muujinayo dagaal dhiig ku daata oo ka dhaca Kismaayo.

WM.Muqdisho

Raiisul Wasaraha oo ugu hambalyeeyay munaasabda 15 May, dhaliyarada Soomaaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada federaaliga ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid" ayaa maanta halbalyo diiran u diray dhalinyarada Soomaaliyeed, asagoo ugu hambalyeeyay munaasabada 15 Meey ee maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

"Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan dhalinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, anigoo ugu hambal-yaynaya munaasabada 15 Meey, ee maalinta dhalinta Soomaaliyeed," ayuu yiri ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inay manta tahay maalin taariikhi ah oo ka turjumaysa doorka dhalinta Soomaaliyeed ku lahaayeen masiirka dalkooda. Waxaana uu sheegay inuu dareen sanyahay xaalada adag ee dhalinta Soomaaliyeed ku sugan yihiin.

"Xaalada colaadeed ee dalka ka jirtay sadex jiil ayay mustabal seejisay, arrintasina waa dhibaato weyn na wada gaartay. Waxay seegeen fursadii wax-barasho, waxay waayeen fursadii shaqo, waxayna ka niyad jabeen bulshadoodii iyo dalkoodii labadaba," ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Waxaa uu cadeeyay go’aanka dawladda ee ku wajahan wax-ka qabashada arrimaha dhalinyarada iyo siday da’yartu uga qeyb gali lahaayeen nabadaynta iyo horumarka dalka. Asagoo xiganaya warbixinta Horumarka Aadanaha ee Soomaaliya 2012 ee ay soo saartay hay’ada ee UNDP ayna ku daraasaysay xaalada dhalinta Soomaaliyeed, ayuu cadeeyay inay dawladdu wax ka badalayso xaalada adag ee dhalinta Soomaaliyeed.

"Caano daatay dabadoodaa la qabtaa" bay Soomaalidu ku maah-maahday. Soomaaliyada cusub ee aan doonayno dhalintu waxay u tahay laf-dhabar. Waxaan doonaynaa inaan badbaadino, wax-barno, una abuurno fursado shaqo oo anfaca si ay dalka iyo ummadaba u anfacaan," ayuu yiri ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisal Wasaaruhu ayaa sheegay inay dawladdu u dhago nugushahay dhalinta Soomaaliyeed. Asagoo dhanka kale kula dar-daarmay inay ku dadaalaan wax-barashada iyo kororsiga xirfadaha shaqo si ay diyaar ugu noqdaan shaqooyinka cusub ee dalka ka abuurmaya. Waxaana uu tilmaamay inay muhiim tahay in dhalintu garab istaagto dawladda ayna ka dheeraadaan wax-kasta oo wax u dhimi kara amniga iyo xasiloonida dalka.

WM.Muqdisho

Dowladda Canada oo Safiir usoo Magabeysa Soomaaliya

Galinkii danbe maalintii taladada dowlada wadanka Canada waxa ay shaacisay dib u soo celinta xirirkeedi diblomaasiyaded ay Somalia la laheyd tan iyo mudadii dagaalka sokeeye uu ka dhacay Somalia.

Kulan gaba gaba ah oo ay wada qaaten wakilka xoghayaha guud ee qm arimaha Somalia u qaabilsan ogastiin mahiiga iyo wasiirka arimaha dibada wadanka Canada,ayaa wasiirka arimaha dibada wadanka Canada john berid waxa uu magacaabay wakilka ugu sareya dowlada Canada ee wadanka Kenya devid angal uu noqon dooni safiirka cusub ee dowlada Canada ugu qaabilsan Somalia.

Canada ayaan muujinin in ay doonayso in ay safarad ka furato Somalia.

WM.Muqdisho

Wasarada gashandhiga soomaaliya oo sheegtey in tayo xumo ay heysato ciidankooda

Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in tayo xumo ay heysato ciidamada xooga dalka Soomaaliya, iyadoo ka codsaday Caalamka in laga taageero sidii ciidamada loo tayeyn lahaa, ayna u heli lahaayeen qalab ciidan.

C/raxmaan Kulmiye Xirsi oo ah Wasiir kuxigeenka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in la haayo ciidamo tiro ahaan ku filan dowladda, hase ahaatee ay ku yar tahay tayada sida uu yiri.

"Ciidamada tiradooda waa badan tahay, laakiin waxaa ku yar tayada, aduunka waxaa ka codsanay in hadii qalab loo helo ciidamada ku filan yihiin ammaanka"ayuu yiri Wasiirka ku xigenka gaashaandhiga.

Wasiir kuxigeenka gaashaandhiga ayaa sheegay ciidamada qalabka sida ay u baahan yihiin in laga taageero dhinaca qalabka iyo tababarada ayna muhiim tahay in culeyska la isugu geeyo sidii loo caawin lahaa.

Dhinaca kale waxaa uu Wasiir kuxigeenku sheegay in goobaha ay heystaan Shabaab qorshahooda yahay inay ka saaraan, isla markaana ay shacabka ka qaadaan dhibaatada lagu haayo.

Wasaarada gaashaandhiga ayaa dhowaan sheegtay in tan iyo markii la qaaday cunaqabateynta hubka aanay ciidamada helin xabad rasaas ah, isla markaana ay hakad galeen howl galadii lagula jiray Shabaab, taa bedelkeedna ciidamada fariisamahooda lagu soo weeraro.

WM.Muqdisho

 

... No Links Defined ...

På Norsk

Video: Nordmenn om bunader, somaliere om 17 mai. Se video

Bildereportasje: Somaliere feirer 17 mai Se bilder/les tekst

Videoreportasje:
Elvis ble informert:
"Breivik fikk bedre rettssikkerhet enn innvandrerforeldre i barnevernesaker"
Se video

Dhegayso Hooyo Soomaaliyeed oo reer Norway ah oo 4 sano lagu xukumay caruurtiina laga qaatay. Dhegayso
Warcusub Media

www.warcusub.com
E-mail: warcusub@gmail.com