Casho sharaf soo dhawayn ah oo ay Jaaliyada (PCC) u samaysay siyaasi Awaare
Casho sharafsoo dhawayn ah oo ay soo qabanqaabisay jaaliyadda puntland ee Norway ayaa waxaaloo sameeyey siyaasiga caanka ah ee soomaaliyeed Mr Cali Cabdi Awaare, taasoo ka dhacyday Hotel EFFESSO oo kuyaal bartamaha magaalada Oslo.
Munaasabadaancasho sharafta ah oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhamaan qaybaha kala duwanee bulshada Soomaliyeed sida Haweenka, Odayaasha, Dhalinyarada, aqoonyahanaddaiyo qaar kamid ah isimadda soomalida degan dalka Norway.
Munaasabadaanayaa ugu horayntii waxaa lagu daahfuray ayaadaha quraanka kariimka ah. Intaa kadibwaxaa si habsami ah u bilaabatay dulucdii kulankaan casho sharafta ah waxaanamunaasabadda furay Gudoomyiha gudiga shuurada ahna sii hayaha xilka GudoomiyahaEng. Yuusuf Cali Yuusuf wuxuuna ugu horayn dalka Norway kusoo dhaweeyeysiyaasiga martida ah. Eng. Yuusuf ayaa intaa kadib goobta kajeediyey khudbadaad u qiiro badan wuxuuna xusay inay muhiim ahayd in jaaliyadda Puntland eeNorway ay waajib kutahay inay mar walba u taagnaato bulshada ay metesho aynahaboontahay inay soo dhawayso dhamaan madaxda iyo waxgaradka reer Puntland eeyimaada dalka Norway.
Waxaa sidookale goobta kahadlay gudiimiyaha gudiga odayaasha ee golaha jaaliyadda puntland(pcc) caaqil Maxamuud Qaalib oo isagu warbixin dheer kabixiyey jaaliyadda iyowaxa ay u taagan tahay waxaana uu si habsami ah marlabaad ugu soo dhaweeyeysiyaasiga martida ah dalkan. Isagoo sidoo kale ku amaanay wixii uu kasoo qabtaydalkii hooyo intii uu xilalka kala duwan kasoo hayey. Wuxuuna intaa kadibhadalka siiyey garaadka beelaha Absame garaad saalax oo isaguna meteliyeydhamaan isimada soomaaliyeed ee kusugan dalka dibadiisa.
Munaasabadanayaa waxaa kaloo ka hadlay dad badan oo isugu jiray aqoonyahano iyo waxgaradkasoo jeeda deegaanada puntland kuwaasoo ay kamid ahaayeen Nabadoon BashiirBiixi, Dr m. Ducaale wiish iyo abwaan maax. Abwaan Cabdicasiis yuusuf maax oo goobtakahadlay ayaa kula dardaarmay jaaliyadda inay dardargeliso waxqabadkeeda islamarkaana ay kafeejignaato waxkasta oo lidi ku ah midnimada reer puntland.
Awaare waasiyaasi soomaaliyeed isla markaasna ka mid ah ganacsatada Soomaalida waxaana uuxilal kala duwan kasoo qabtay dowladii soomaliya,waxaanauu isu taagay xilka madaweynaha soomaaliya iyo Puntland . Awaare oo ahaasiyaasiga loo sameeyey casho sharafta oo markiisa makroofanka la wareegay ayaaka warbixiyey safarkii uu kusoo gaaray dalka Norway iyo waxyaabihii u qabsoomayintuu dalkaan kusugnaa. Intaas dabadeed wuxuu u mahadceliyey jaaliyadda Puntlandama Puntland Community Council (PCC) iyo sida sharafta leh ee ay ugu soodhaweeyeen dalka Norway. Waxaana uu hadalkiisa kusoo xirayinay midnimada reer puntland tahay muqadas dal iyo dibadba.
Casho sharaftanayaa waxay kusoo gabagabowday jawifarxad iyo habsami ah waxayna kasoo qaybgalayaasha isugu hambalyey bisharamadaan iyo kheyrkeeda.
Dadkii kasooqaybgalay
1. Garaad saalax
2. Caaqil maxamuud Qaalib
3. Dr. ducaale (wiish)
4. Nabadoon bashiir daahir biixi
5. Caaqil faarax keeli
6. Aqoonyahan sare Abdisalan Gacamay
7. Prof. Cali Muuse
8. Dr. Yoonis Cali Yuusuf
9. Caasho Romsås
10. KhadroSAFARI ganacsato
11. DR. Shiine cadceed
12. Nabadoon Dhuubane
13. Abwaan Maax
14. Beer Cade
15. Baarliin Dheerey
16. Deeqo Qalanjo
17. Siman sanlibaax
18. Sahro Cadeey
19. Faadumo Maxamed Garre
20. Maxamed Dheere
Warka waxaa qoray Jamaal Faarah oo ah afhayeenka Golaha Jaaliyada Puntland - Puntland Community Council (PCC)