New video: Waraysi lala yeeshay maamulka iyo macaamiisha Xawilaada Amaana. Tlf: 22170917 93241297. Daaw video

New Video: Siyaasiin ka soo jeeda Soomalida Norway oo dawlada Norway ku cadaadiyay inay si toos ah ula shaqayso Dawlada Somalia. Daawo
Masawiro cusub: 25 wadan + 60 caruur oo Soomaali ku jirto oo iskugu yimid Larvik Norway. Daawo 55 masawir
Sawiro+Videos
New Video: Exclusive! Waraysi Warcusub la yeeshay wasiirada cadaalada Norway. Daawo/Norsk
Video: Qudbadii Jawaari iyo wasiirka Norway. Daawo
Video: Furitaanka Masaajidka Soomaalida Norway. Daawo
Video: Dadwaynihii ka soo qayb galay xaflada sanadguuradii 1aad ee Khatumo State ee lagu qabtay Oslo. Daawo

Madaxwaynaha Soomaaliya, Wasiirka Horumarinta Norway iyo Somalida Norway. Akhri oo daawo video iyo masawirada

Video: Telephone Conversation between Norwegian Minister for Development and Somali President. First part, in Somali. Last part in English
Masawiro cusub: Xaflad loogu dabaaldegayo sanadguuradii 1aad ee Khaatumo State oo ka dhacday Norway. Daawo
Masawiro cusub: Macaamiisha iyo cuntada maqaayada Salaama ee Oslo Norway. Daawo
Masawiro: Ururka Soeeg oo isku keenay Somalida Daramen Norway. Daawo
Masawiro: Aqoonyahano Norway ku soo bandhigay Dastuurka Somalia.
Masawiro cusub: Kulankii Soomaalida Norway ku soo dhaweeyeen madaxwaynaha Soomaaliya. Riix/Daawo
Masawiro: Ilmaha Safiyo iyo gurigeeda. Daawo
Hooyo haysata 6 Caruur Indha.la.aan ah oo gar Gaar Dalbatay

Xabiibo aadan waa Hooyo Soomaaliyeed oo haysata 6 Caruur ah oo indho la.aan ah kuwaa oo qaarkood ay indha la,anta ugu darsameen xanuuno kale sida waali iyo cuuryaanimo waxaa ay ku nooshahay degmada Kaxda ee Magaaladda Muqdisho waxaa ay dalbanee in la caawiyo .

Hooyadaan Soomaaliyeed oo saxafiyiin ka socda warbaahinta kala duwan ee muqdishoo ay ku Booqdeen Hoyga ay Ka Dagan tahay Degmadaasi Kaxda ayaa waxaa ay Sheegtay in Caruurta ay Indho La.aanta ku dhasheen Goobaha Caafimaadkana ay Geysay loona Sheegay in Dalka Gudihiisa aan Waxba looga Qaban Karin Waxaana ay Intaa ku Dartay in Caruurta Aabihi dhalay uu isaga Xitaa iska Xanuunsan yahay oo uusan Waxba u gali Karin Umada Soomaaliyeed ee Ilaahay Wax Siiyay ayay Codsi ku aadan in La Caawiyo u dirtay.

Shiekh Maxamuud Ow Cabdulle Cariif oo ka Mid ah Mashaa ikhda

 Soomaaliyeed ee aadka looga Yaqaano Dalka Kuna Caan Baxay Gacan Qabadka Taakuleynta iyo u Hadlida Dadka Nuucaan oo kale ah ee Dhibaatooyinku Haystaan Isaguna Goobtaas Tagay ayaa waxaa uu sheegay.in uu indhihiisa ku soo arkay Dhibaato lixaad leh oo haysata Hooyadaan Soomaaliyeed oo Caruurta Indha la.aanta ah haysata Waxaa uu Ugu Baaqay Soomaalida in ay Iska Xilsaaraan Sidiila Caawin lahaa Caruurtaasi .

Qaar ka Mid ah Caruurta oo ay La Sheekeesteen WariyaashiiGoobta Tagay ayaa waxaa ay sheegeen in ay Bulshada Caawinaad ka dalbanayaan .

"Runtii wax ilaahay keenay lama diidi karo waana amar alaah indha la,aanta na haysata waan ku qanacsanahay hadana waxaan u baahanahay in Bulshada Soomaaliyeed ay na Garab Istaagaan oo ay Na caawiyaan waan idiin baahanahay Caawinaadiina " ayay Tiri Shukri Maxamuud Axmed oo ah Gabadha ugu weyn 6 Da Caruurta ah ee In dha la.aanta ah oo ay haysato Hooyo Sahro Aadan.

WM.Muqdisho

Qarax Goor Dhaw Ka Dhacay KM4 Iyo Warar Dheeraad ah Oo laga Helayo

Waxaa Warar Dheeraad ah laga helayaa weerar ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay isgoyska km4 ee magaalada muqdisho kaa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa

Weerarkan Ismiidaaminta ah ayaa loo isticmaalay Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxaana lagu dhuftay gaari ee leedahay Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya oo xiligaasi waday Wafdi Ajnabi ah aan la ogeyn halka ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan

Wararka dheeriga ah ee aan helayno ayaa xaqiijinaya in gaariga weerarkani ismiidaankan ah gaystay uu la damacsanaa gaarigii ay la socdeen ajaanibta, waxana khasaare ahaan uu sababay qaraxaasi geerida in ka badan 10 qof iyadoo ku dhawaad 20 kalana ay dhaawacyo ka soo gaareen kuwaa oo loola cararay isbitalada kala duwan ee muqdisho

Waxaa haatan xaalada kacsanaan ah laga dareemayaa isgoyska KM4, iyadoo ay soo buux dhaafiyeen ciidamo fara badan oo ka tirsan dowlada fedraalka ah ee soomaaliya

Ilaa hada wax hadal ah kama soo bixin dowlada kmg ah iyo ururka al shabaab oo ku aadan qaraxa goor dhaw ka dhacay Km4, iyadoo sidoo kalana uu weerarkani ku soo aadayo xili maalmihii aanu ka soo gudubnay ay xirnaayeen wadooyinka ugu muhiimsan ee magaalada muqdisho.

WM.Muqdisho  

Hugaamiyaha Al_shabaab"hala Badiyo Qaraxyada Ismiidaaminta ah

Shiekh Muqtar Cabdi Raxmaan Abuu Subeyr Hugaamiyaha Ururka Al-Shabaab oo Fariin Cod ah Soo Diray Sidii Caadada u Ahaydba Ayaa Waxaa uu Uga Hadlay Arimo dhowr ah kuwaa oo ay ka mid yihii Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay ee Dalka Ka dhacay.

Waxaa uu ugu Horeyn ka Hadlay Dagaalada Ay ka Wadaan Gudaha dalka Soomaaliya Waxaana uu sheegay in ay Ciidanka Al-Shabaab ka Hortageen Duulaan ay Dowladaha Mareykanka Ethiopia iyo Kenya ay Ku doonayeen in ay Ku qabsadaan oo ay Ku Gumeestan dalka Soomaaliya Isagoo sheegay in Wali ay sii wadayaan Ciidankiisa ayuu ugu Baaqay in ay Is Qarxinta Badiyaan oo ay Meel kasta Ka Fuliyaan .

Waxaa uu ka hadlay Sidoo kale Axmed Godane in ay Dowladda Soomaaliya Markan u soo Jeesatay Bur urinta maamuladda Islaamiga ah ee Hoostaga Al-shabaab sida uu Yiri aysana Ogoleyn In Dalka Nabadi ka Dhalato.

Axmed Cabdi Godane Hugaamiyaha Al-Shabaab ayaa dhanka kale ka Hadlay Shirka 7 May ka Furmaya Magaaladda London ee Wadanka Ingiriiska Waxana uu sheegay in Shirkaasi Yahay Mid Shirqool ah sida uu hadalka u dhigay oo lagu shirqoolayo Umada Soomaaliyeed Dowladda Ingiriskuna ay Wadato Arintaas.

"Dowladda Ingiriiska ayaa Waxaa ay Markaan u Soo Jeesatay in ay Mar kale kala Qayb Qaybiso Dalka Waxaa ay Horay u bixisay oo ay Dowladaha Ethiopia iyo Kenya kala Siisay labo Gobol hadana waxa ay Dooneysaa kuwo horleh siiso Dowladahaasi Shirka London waa Shirqool aanu ka Foojignaano" ayuu Yiri Hugaamiyaha Guud ee Al-Shabaab.

Axmed Godane ayaa Dhowrkii Biloodba Mar hadla waxaana uu Khudbadiisa Ku Jamciyaa Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay ee Dalka ka Dhacay Intii uusan Hadlin Isagoo ku soo Aaadiyay Hadba Xili ay Jirto arimo uu u arkayo in ay ka dhan yihiin Al-Shabaab oo Ay Wadaan caalamku.

WM.Muqdisho

Ahlusuna oo Sheegtay in dowladda aysan wali Fulin Heshiisyadii ay la gashay

Maamulka Culimaa U diinka Ahlu Sunna Ee Goboladda Dhexe ayaa Waxaa ay ka Hadleen arimo dhowr ah Sida Shirka London Halka uu Marayo Wada Hadalkii u Dhexeeyay Iyaga Iyo Dowladda Dhexe Ciidanka Ahlu Sunna ee Dhawaan Dowladu la wareegtay Mushaaraadkooda iyo arimo kale.

Sheikh Ibraahim Guureeye Gudoomiyaha Sadaxda Gole ee Ahlu Sunna oo la hadlayay warbaahinta muqdisho aya waxaa uu sheegay in Dowladdu aysan wali Bixin Lacagihii Mushaaraadka ahaa ee ay Balan Qaaday in ay Siineyso Ciidamada Gobolka Galgaduud ilaa hadana aysan Muuqan Saan Saan ay Ku Bixineyso .

Waxaa uu dhanka kale ka hadlay Shiekh Ibraahim Arimaha Shirka London waxaa uu sheegay in Aan Lagu Casuumin Iyaga oo ka mid ah Maamuladda Ka Jira Dalka Hadii ay dhacdo Dowladdu in ay katagto oo aysan Ku Darin ka qayb Galka Shirkaasna ay Go.aan Cad ka Qaadan Doonaan Dowladda .

Waxaa Xusid Mudan In Dhawaan Madaxweynaha uu Ka Dalbaday Hugaanka Maamuladda Puntland iyo Soomaali land in ay ka soo qayb Galaan Shirka London inkastoo aan la ogeyn In Maamuladda Kale sida Galmudug Khaatumo iyo Ahlu Sunna lagub dari Doono ka qayb galka Shirka

WM.Muqdisho

... No Links Defined ...

På Norsk

Bildereportasje: Somaliere feirer 17 mai Se bilder/les tekst

Videoreportasje:
Elvis ble informert:
"Breivik fikk bedre rettssikkerhet enn innvandrerforeldre i barnevernesaker"
Se video

Dhegayso Hooyo Soomaaliyeed oo reer Norway ah oo 4 sano lagu xukumay caruurtiina laga qaatay. Dhegayso
Warcusub Media

www.warcusub.com
E-mail: warcusub@gmail.com