Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo guulaha ay dowladu gaartay ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Isu soo baxan oo lagu taageerayay horumarada dowlada iyo mowshinkii xukuumada ka dhanka ahaa ee laga laabtay, ayaa waxa ka qeybgalay kumanaan dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir kuwaas oo watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ku taageerayaan dowlada, ayna kusoo dhaweynayaan mowshinkii la baajiyay.
Dibadbaxayaasha oo ay ka muuqatay xamaasad ayaa waxa ay ku qeeylinayeen ereyo ay ku taageerayeen dowlada kuna soo dhaweeynayeen dib uga laabashada mowshinkii laga keeenay xukuumada.
Dadweynihi ka qeybgalay dibadbaxan ayaa waxa ay isugu soo urureen barxadda Sayidka waxaana halkaasi kula hadlay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir kuwaasoo ugu hambalyeeyay dibadbaxayaasha sida nabadgelyada leh oo ay ku muujiyeen dareenkooda.
Gudoomiyaha degmada Xamarweyne C/llaahi Sahal Gardhuub oo ku hadlay magaca gudoomiyayaasha degmooyinka G/Banaadir ayaa amaanay waxqabadka dowlada iyo guulaha kala duwan oo ay ka gaartay arrimaha gudaha iyo dibada, isagoo ugu hambalyeeyay mudanayaashii ka laabtay mowshinka sida ay u tixgeliyeen rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Jawaahir Baarqab oo ah gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir oo munaasabadaasi ka hadashay ayaa soo dhaweysay mowshinkii laga laabtay iyadoo hoosta ka xariiqday in dowladu ay la timid wax qabad muuqda oo la taabankaro mudada kooban oo ay jirtay, waxeyna kula dardaarantay shacabka iney af iyo adinba ku taageeraan dowladooda.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Yuusuf oo isna ka hadlay munaasabadaasi ayaa ku amaanay dibadbaxayaasha sida wadaniyada leh oo ay u taageereen dowladooda, isagoo ururka midawga Afrikana ugu hambalyeeyay sanadguurada 50 ee ka soo wareegaty aas’aaska ururkaasi, wuxuuna tilmaamay in ciidamada Midowga Afrika ay wax weyn u qabteen dadkeena, wuxuuna ku booriyay dadka ku nool magaalada iney gacan ka geystaan dadaalada uu wado maamulka gobolka ee lagu soo celinayo bilicdii iyo nadaafadii Muqdisho.
Dibadbaxan ayaa kusoo beegmayaa xilli maalintii shalay dib looga laabtay mowshinkii laga keenay xukuumada, maalin ka hor ayaa dibadbax kan la mid ah oo lagu taageeray dowalda loogana soo horjeeday mowshinka waxa uu ka dhacay isla barxadda Sayidka.
WM.Muqdisho