Gabadhaan ka muuqata masawirka waxay ku dhalatay Norway, waxayna ku dhibanayd qorista, aqrinta iyo ku hadalka Afsoomaaliga. Waxay u timid Warcusub.com si ay deg deg ugu barato Afsoomaaliga. Warcusub.com ayaa 3 bilood gudaheed ku baray gabadhaan aqrinta iyo qorista Afsoomaaliga. Buugaagtaan hor yaala gabadha waa manhajka Soomaaliya. Warcusub.com ayaa ka codsaday in gabadhu qorto magacyada maadooyinka lagu qaato iskoolada Soomaaliya. Waa markii koowaad oo ay maqasho, qortana magacyada Joqoraafi, cilmiga bulshada IWM.
Ma ahan gabadhaan oo kaliya. Warcusub.com wuxuu Afsoomaaliga online ku baraa caruurta, dhalinyarada iyo waalidiinta degan Yurub, Maraykanka, Canada, Australiya iyo Carabaha. Warcusub.com wuxuu qoray buugaag sahlaya barashada Afsoomaaliga. Buugaagtaas waxaa qoray aniga oo ah Xassan Cali Cumar oo Master ka haysta Norway, dugsi sarena uga soo baxay Soomaaliya. Warcusub.com waxaa u shaqeeya 10 macalin oo iskugu jira ajnabi iyo Soomaali.
Waxaa kaloo jira arday badan oo Warcusub.com ka barta xisaabta, iyo maadooyinka kale ee iskoolada amaba u yimaada si looga caawiyo casharada. Warcusub.com waa xarun sidoo kale aad ka heli kartid warar cusub, waraysiyo, waxbarasho iyo warbixin muhiim ah.
Aqoon la’aan waa iftiin la’aan! Hadaad doonayso inaad nagu soo biirto, amaba qabtid suaal, nagala soo xiriir talefoonka iyo kanaaladeena hoos ku xusan:
Kanaalada Warcusub.com
www.snapchat.com/add/warcusubcom
Talefoonka Warcusub.com: 409 50 100