Spread the love

50 jirka Norwejiyaanka ah ayaa luuq u galay 12 jirka Soomaaliga ah isaga oo iskool u socda. Mindi iyo dhagax ayuu rabay inuu wiilka yar ku dilo laakiin wiilka ayaa is difaacay.

Warbaahinta Norway ma aysan sheegin in wiilku yahay Somali. Laakiin gabar ay qaraabo yihiin qoyskaan ayaa waxay Warcusub Media ku tiri:

“Horta warkaan waxaan ka maqlay idaacadaha Norway. Wiilka yar ayaa la sheegay inuu dagaalamay oo iska celiyay ninka wayn. Markaas ayaan is iri walee wiilkaan waa Soomaali ama Ciraaqiyaan maadaama uu dagaalamay.”

Falkaan ayaa ka dhacay magaalada Moss ee Norway.

Wiilka yar ayaa hada isbtitaal ku jira. Mindiyo iyo dhagax way gaareen wiilka laakiin ma ahan halis.

Ninka falkaa gaystay ayaa hada waxaa haya Booliska, waxayna sheegeen inay gaynayaan dhaqtar.

Sidee u aragtaa falkaan?

Hoos ka aqriso Afnorwejiyaan.

https://www.nrk.no/ostfold/barneskoleelev-ble-knivstukket-i-moss-1.16860638

https://www.aftenposten.no/norge/i/wgEOwn/drapsforsoek-paa-12-aaring-i-moss-mann-i-50-aarene-erkjenner-de-faktiske-forholdene

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *